+

Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku xirtay Dekeda Muqdisho

Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku xirtay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu wado in lagu raro alaab ay leedahay Imaaraadka oo maalmihii la soo dhaafay laga soo daabulayay xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho.

 

Ilo wareedyo ku dhow dhow Dekeda Muqdisho ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Markab oo faaruq ah laguna magacaabo MV Jabel Ali 7 ayaa ka dalbaday Maamulka Dekeda in la siiyo boos uu ku xirto.

 

Wararka ayaa sheegaya in alaabo waa weyn oo ay ku jiraan Kunteenaro lagu rari doono, kuwaasoo ka mid ahaa agabyo ay Imaaraadka Carabta kala baxayaan magaalada Muqdisho.

 

Mas’uuliyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa la sheegay in Maamulka Dekeda inay u gudbiyeen warqad ogolaansho ah oo laga soo siiyay Wasaaradda Amniga, taasoo loogu fasaxayo inay raran karaan alaabtooda.

 

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la arkayay Gawaari xambaara kunteenaro oo agabyo ka daabulayay xerada Tababarka ee Jen. Gordon ee ku taal degmada Hodan, halkaasoo ay maamulayeen Imaaraadka Carabta.

 

Agabyadii u yiil xerada tababarka ee Jen. Gordon iyo alaabihii yaallay xarumaha caafimaadka ayaa la isugu geeyay xarunta Safaaradda, halkaasoo lagu wado in dhowaan laga qaado, lana geeyo Dekeda Muqdisho, si loogu raro Markabka taagan.

 

Lama oga tallaabadan bilowga ah inay keeni karto in gebi ahaanba Imaaraadka ka guuro Muqdisho, iyadoo dhowaan Imaaraadka Carabta ku dhawaaqay inuu joojiyay howlihii tababarka iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya ay siin jireen, taasoo qeyb ka aheyd mushaarka illaa labo kun askari oo ay horay u tababareen.

 

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday, wixii ka dmabeeyay markii diyaarad ka diwaan gashan Imaaraadka lagu xayiray garoonka Muqdisho 8-dii bishan, iyadoo lacag ay siday diyaaradaas ay la wareegeen Ciidamada Ammaanka, waxaana tallaabadaas cambaareysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Maqaal: Xilalka “DF” Waxaa Lagu Qeybsaday 4.5 Canshuurtana Waxaa 
- Aug 19, 2018
Markaan arkay xaaladda ka taagan Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha. Markaan arkay cabashada bulshada ...
Galmudug Oo Askar Jabhada ONLF ka t irsan U dhiibtay Gumaysiga Itoobiya
- Aug 11, 2018

War dag dag ah Shirkada DP Word ee laga leeyahy Imaraatka Carabta oo lagu eedeyay inee Sun ku aastay Ber bera
- Aug 11, 2018
https://youtu.be/0qdiK6b4Mls
Wareysi:Madaxweynaha Cusub DDSI Ahmed Abdi Mohamed oo wareesigii ugu horeeyay bixiyay
- Aug 6, 2018
https://youtu.be/Y_q3ZWv8o-o  
Daawo Meydad iyo dhaawacyo yaal Maqaaxi ku taal MUQDISHO oo Qarax xoogan uu kadhacay
- Aug 5, 2018
https://youtu.be/n9W2tKVxcDo
Daawo ku xigeenka Raisal Wasaraha Somalia oo qiray in reer Moqdisho eesan heesanin wax nabad la yiraa
- Aug 4, 2018
https://youtu.be/_zLqRKIZmsQ  
Ethiopia oo Coldoon loo Gacan galnayo Sidii Qalbi dhagax
- Aug 2, 2018

Dharbaaxo labaad oo Ku dhacday dalka ugu yar geeska afrika ee DJabuuti.
- Aug 2, 2018
Dharbaaxo labaad oo Ku dhacday dalka ugu yar geeska afrika ee DJabuuti. Maxakamad Ku taalla ...
Dowlada Ethiopia oo dalbatay in loo soo gacan galiyo Samafale Cabdi.Maalik Muuse Coldoon
- Aug 2, 2018
https://youtu.be/IhdvnHa9Ffs
Dowlada Jabuuti oo Si Kulul Ugu Hadashay Hadal Farmaajo Taageero Ugu Muujiyay Eretria
- Aug 1, 2018
War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray ...
Daawo Wiil Somali ah oo si bareer ah gaari u jiirsiiyeen Ciidamo ka tirsan Saudi Arabia
- Aug 1, 2018
Ciidamado ka tirsan kuwa Saudi Arabia oo si bareer ah gaari u juirsiiyay Wiil ...
Balanbale:MW,Ku Xigeenka Galmudug Carabey oo Fowdo Ka wada Deg.Balanbale
- Jul 31, 2018

Garoowe: Kheyre Ma loo soo dhaweyn doonaa sidii Farmaajo Mise Sidii Xasan Sheekh?
- Jul 29, 2018

Daawo soo dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisii Ee Eritrea
- Jul 28, 2018

Madaxweynaha JFS oo Booqasho ku Tagi doona Asmara Eritrea
- Jul 28, 2018