+

Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaab

Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaa

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Rubakuba Muhoozi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor ee ka soo baaxa magaalladda Kampala, wuxuuna si aan mugdi lahayn u muujiyey in Ciiddankooda loo daabulay Somalia si ay ula dagaalamaan Alshabaab inay go’doomeen.

 

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Uganda soo wajahday hoos-u-dhac Maaliyadeed, Loojistikada oo ku yaraatay iyo muran ka dhex jira Ciiddanka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Ciiddanka DFS awood lahayn, iyadoo xitaa Deegaanadii ay horey u joogeen haatan la wareegeen Ciiddanka AMISOM.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inaysan Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM weerar ku qaadi Karin Alshabaab, isla markaana ay mar hore burbureen qaar ka mid ah Saldhigyadda Aagga hore ee ay ka hawl-galaan.

 

Waxa kale oo uu walaac ka muujiyey xeelladda ay Alshabaab u adeegsadaan Miinooyinka nooca loo yaqaano (IEDs), wuxuuna tilmaamay inay ka fekerayaan qaabab kale oo ay ku yareyn karaan Khasaaraha ay kala kulmaan Qaraxyadda Alshabaab.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General David Rubakuba Muhoozi waxa uu xusay inay Ciiddanka AMISOM Badbaadi karaan, isla markaana hawl badan ka qaban karaa Aagga hore ee Dagaalka, haddii ay helaan Helikoptarada Dagaalka, loona ballan qaado maalgelin iyo Sahayda Loojistikada, waa sida uu hadalka u yiri.

 

Si kastaba ha ahaatee, Uganda waa dalkii ugu horreeyey ee Ciiddamo u soo dira Somalia sannadkii 2007-kii, waxayna Ciiddankooda yihiin kuwa ugu badan Ciiddamadda kale ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Maqaal: Xilalka “DF” Waxaa Lagu Qeybsaday 4.5 Canshuurtana Waxaa 
- Aug 19, 2018
Markaan arkay xaaladda ka taagan Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha. Markaan arkay cabashada bulshada ...
Galmudug Oo Askar Jabhada ONLF ka t irsan U dhiibtay Gumaysiga Itoobiya
- Aug 11, 2018

War dag dag ah Shirkada DP Word ee laga leeyahy Imaraatka Carabta oo lagu eedeyay inee Sun ku aastay Ber bera
- Aug 11, 2018
https://youtu.be/0qdiK6b4Mls
Wareysi:Madaxweynaha Cusub DDSI Ahmed Abdi Mohamed oo wareesigii ugu horeeyay bixiyay
- Aug 6, 2018
https://youtu.be/Y_q3ZWv8o-o  
Daawo Meydad iyo dhaawacyo yaal Maqaaxi ku taal MUQDISHO oo Qarax xoogan uu kadhacay
- Aug 5, 2018
https://youtu.be/n9W2tKVxcDo
Daawo ku xigeenka Raisal Wasaraha Somalia oo qiray in reer Moqdisho eesan heesanin wax nabad la yiraa
- Aug 4, 2018
https://youtu.be/_zLqRKIZmsQ  
Ethiopia oo Coldoon loo Gacan galnayo Sidii Qalbi dhagax
- Aug 2, 2018

Dharbaaxo labaad oo Ku dhacday dalka ugu yar geeska afrika ee DJabuuti.
- Aug 2, 2018
Dharbaaxo labaad oo Ku dhacday dalka ugu yar geeska afrika ee DJabuuti. Maxakamad Ku taalla ...
Dowlada Ethiopia oo dalbatay in loo soo gacan galiyo Samafale Cabdi.Maalik Muuse Coldoon
- Aug 2, 2018
https://youtu.be/IhdvnHa9Ffs
Dowlada Jabuuti oo Si Kulul Ugu Hadashay Hadal Farmaajo Taageero Ugu Muujiyay Eretria
- Aug 1, 2018
War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray ...
Daawo Wiil Somali ah oo si bareer ah gaari u jiirsiiyeen Ciidamo ka tirsan Saudi Arabia
- Aug 1, 2018
Ciidamado ka tirsan kuwa Saudi Arabia oo si bareer ah gaari u juirsiiyay Wiil ...
Balanbale:MW,Ku Xigeenka Galmudug Carabey oo Fowdo Ka wada Deg.Balanbale
- Jul 31, 2018

Garoowe: Kheyre Ma loo soo dhaweyn doonaa sidii Farmaajo Mise Sidii Xasan Sheekh?
- Jul 29, 2018

Daawo soo dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisii Ee Eritrea
- Jul 28, 2018

Madaxweynaha JFS oo Booqasho ku Tagi doona Asmara Eritrea
- Jul 28, 2018