DHAGEYSO:- Cali Ameeriko oo bixiyay sirta xirnaashaha Wadooyinka & Damaca Xasan Sh uu ka leeyahay..
Musharax madaxweyne Max’ed Cali Ameeriko,oo ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan Dowladda Soomaaliya ayaa si aad ah kaga hadlay xirnaashaha wadooyinka iyo dhibaatada Shacabka ay ku qabaan.
Cali Ameeriko ayaa sheegay in xirnaashaha wadooyinka saameyn weyn ay ku yeesheen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay si xur ah ugu Ciidaan Magaalada balse aan loo baahneyn in la Caburiyo.
HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA
Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka xun yihiin in maamaha Ciida in shacabka Soomaaliyeed aysan si farxad ah ku ciidi Karin oo laga xeray wadooyinka.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xirnaashaha wadooyinka muhiimka ah ay tahay xaqiijinta amniga magaalada inta uu socdo shirka Urur goboleedka