+

DAAWO SAWIRO: Shirkii IGAD ee Muqdisho oo qodobo dhowr ah laga soo saaray

Shirkan oo maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-yaasha Somaliya, Kenya, Uganda, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Wakiilo iyo Wasiiro ay ku meteleyeen dalalka Igad ee Madaxdoodu aanay ka qaybelin shirkaasi.

Sidoo kale shirkan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafuud ka kala socotay Ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Qaramada Midoobe iyo xubno kale oo lagu soo casuumay.

Shirka oo muddo hal saac ka socday Xarunta Somaliya, ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 22 qodob. 21 ka mid ah waxaa looga hadlay ujeedada shirkan, doorashada sanadkan lagu wado inay ka dhacdo Somaliya, ammaanka, dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, Dhismaha Maamulka Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan iyo xushmad loo muujiyay qaranimada madax bannaanida ee Somaliya. Qodobka ugu dambeeyay ee laga soo saaray shirka, ayaa looga hadlay arrimaha Sudan.

Gaba gabadii shirka, ayaa qodobadan waxaa Saxaafadda u akhrisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Amina Maxamed, oo sheegtay in kulankan xushmad loogu muujiyay qaranimada madax bannaanida Somaliya iyo jiritaankeedaba.

Sidoo kale waxay sheegtay in kulankan lagu taageeray, sida ay Dowladda Somaliya uga warbixisay diyaar-garowgeeda ee doorashooyinka ka dhacaaya dalka.

C/salaan Cumar Hadliye, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa sheegay in shirkani uu tusaale u yahay inaanay Somaliya dhiman, isla-markaana ay dib ugu soo laabatay dhabaha horumarka.

Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo kulan ceynkani oo kala ah, tan iyo sanadkii 1986-kii oo la aas aaay Urur Goboleedka Igad, oo hadda leesku yiraahdo toddobo ka mid ah Wadamada Afrikada Bari dhaca.

igad igad2 igad3 igad6 igad9 igad91 igad92

 


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Al Shabaab Oo Weeraray Fariisin AMISOM Ay Ku Leeyihiin Duleedka Muqdisho
- Apr 24, 2018
Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in Xalay weerar ay ...
Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaab
- Apr 23, 2018
Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaa Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General ...
Markab ay saaran yihiin qalabkii Milatariga Imaaraadka oo ka shiraacday dekeda Muqdisho
- Apr 23, 2018
Markab laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ...
Daawo: Mukhtaar Roobow.Shalay iyo Maanta.
- Apr 23, 2018

Dhalin yaro lagu afduubtay xeebaha Moqdisho
- Apr 22, 2018

Daawo Kaluumeesato lagu la. yahay xeebaha Moqdisho qaar kalena lagu laayay
- Apr 22, 2018
Dowlada Somalia oo aan ka hadleen dhibatada lagu haayo dadka ka kaluumesta xeebaha Moqdisho https://youtu.be/ccjMdp-82JA
Daawo Saudi Arabia oo Kaniisad weyn laga dhisaa ?
- Apr 22, 2018
Dowlada Saudi Arabia oo heshiis lagu hirgalinayo kaniisado laga dhisay dalkeeda la gashay Madax ...
Dag dag Daawo Saudi carabia oo dagal toosa ka bilowday caawa Qasrigii boqorka oo hareeresan
- Apr 21, 2018
https://youtu.be/_ZfebgzAED0
Muwaadin Soomaaliyeed Oo Horey Loogala Laabtay Dhalshadda Dalka Norway Oo Laga Soo Masaafurinayo Iceland
- Apr 19, 2018
Mahad Abiib Maxamuud oo dalka Norway tegay isagoo 14-jir ah sannadkii 2000 ayaa la ...
Dag dag ciidan lagu Laayay duleedka Muqdisho.
- Apr 19, 2018
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho koox hubeysan ayaa ...
Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay
- Apr 19, 2018
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan oo ...

- Apr 19, 2018
Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights Watch waxay soo saartay War Dheer ...
Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un oo kulmaya
- Apr 19, 2018
    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in wada hadal toos ah ...
Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku xirtay Dekeda Muqdisho
- Apr 18, 2018
Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku xirtay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, ...
C/wali Gaas “Lacagtii lagu qabtay Muqdisho, 3.6 milyan waxaa loogu tala galay Ciidamada Puntland”
- Apr 17, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii 8-dii bishan lagu qabtay ...