+

Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inuu tago magaalada Jowhar & amaanka oo la adkeeyay

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay taalo gogosha Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo caga jiid badan uu ka taagan yahay.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaaladaasi, waxaana sidoo kale gudaha Magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo ammaanka sugaya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka amniga iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan ayaa la filayaa inay tagaan Jowhar.

Qorshaha Madaxweynaha uu u tagaayo Magaaladaasi ayaa waxa ay tahay dar dargelinta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo sida balanta aheyd lagu waday in shalay la soo bandhigo Xildhibaanada uu maamulka yeelanaayo.

Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ku sugan Magaalada Jowhar, inkastoo ay jiraan beelaha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan qaar ka mid ah Odayaashooda inay meesha ka maqan yihiin.

Todobaadkaan gudihiisa xubno ka socda IGAD ayaa shir la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Jowhar ku sugan si loo dar dargeliyo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dowladda Somaliya ayaa doonaysa dedejinta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe si mar un ay u soo dhamaato howsha arintaan la xiriirta oo muddo dheer caqabado xoogan ay ka taagnaayeen.

 


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Daawo sababta xilka looga qaaday wasiirkii arimaha gudaha mr Juxa & Raisal wasaare Khayre oo noqday shaqsi fulinaayo danaha Dowlada Kenya wuxuuna garab ku siinaya Boobka Dhul badeedka somaalia ee leedahy oo hadda hor taal Maxkamada Caalamiga ah ee heeg
- Jan 9, 2018
Daawo sababta xilka looga qaaday wasiirkii arimaha gudaha mr Juxa & Raisal wasaare Khayre ...
DAAWO:XASUUQ LOO GEESTAY SOMAALIDII KU DHAX NOOLED GUDAHA OROMADA
- Jan 5, 2018
DAAWO:XASUUQ LOO GEESTAY SOMAALIDII KU DHAX NOOLED GUDAHA OROMADA https://youtu.be/--VTCoaDtTU
Daawo Cabdiraxman Cabdi.Shakuur oo ku dhawaaqay inuusan Maxkamada tagi doonon Barri
- Jan 2, 2018
Daawo Cabdiraxman Cabdi.Shakuur oo ku dhawaaqay inuusan Maxkamada tagi doonon Barri kuna sababayeeyay ineesan ...
Xisbiga C.raxman c.shakur oo Dacwad ka furtay maxkamada Gobolka Banadir
- Dec 31, 2017
Xisbiga C.raxman c.shakur oo Dacwad ka furtay maxkamada Gobolka Banadir https://youtu.be/WBNwZHr1eQQ
Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho
- Dec 31, 2017
Qarax culus oo inta badan laga wada maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ...
Qeybdiid ‘’Dowladu ha cadeyso weerarkeyga dalka ma Imaaraadka ayaa maamusha ama iyada
- Dec 31, 2017
ciidamo Soomaali ka amar qaata  dowlada Imaaraatka Carabta ay weerar ku qaaden Hooyga uu ...
Yaa ka shaqeeyey Shirqoolka lagu Weeraray Guriga Cabdi Qaybdiid?
- Dec 30, 2017
Yaa ka shaqeeyey Shirqoolka lagu Weeraray Guriga Cabdi Qaybdiid? Xogtan waxaa la siiyey Guddigii Baaritaanka ...
Guddiga difaaca baarlamaanka ka shiraya darbiga dowlada Kenya ka dhiseyo Beledxaawo
- Dec 30, 2017
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan uu maanta ka yeesho darbiga ...
Kenya oo sheegtay in duqeyn Maraykanka uu ka geystey Soomaaliya ay ku dhaawacmeen Alshabaab Kenyan ah
- Dec 30, 2017
Dowlada Kenya ayaa sheegtay duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen gudaha dalka Soomaalya ay ...
Madaafiic lagu weeraray saldhig ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Xudur
- Dec 29, 2017
Wararka ka imanaya degmada Xudur ee  xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab ...
Daawo: video xaqiiq ah yaa ku guulestay soo celinta Hawada Farmaajo mise Xasan Shiikh
- Dec 28, 2017
https://youtu.be/sg5oqmCMMZo
Daawo:video kashifaad ah yaa keenay qalabka lagu ilaalinayo Hawada Somaalia yaase dhagax dhigay goobta maanta xariga laga jaray
- Dec 28, 2017
Daawo kumuu ahaa qofkii ku guulestay soo celintii Hawada Somaalia Farmaajo mise Xasan shiikh https://youtu.be/sg5oqmCMMZo
Daawo :Xaqiiqda runta ah yaa soo celiyay hawada somaalia yuusa ahaa qofkii dhagax dhigay xarunta loogu tala galay in lagu ilaaliyo hawada Somaalia
- Dec 28, 2017
https://youtu.be/sg5oqmCMMZo
War dag dag ah dagaal hadda ka socdo deegano hoos tago
- Dec 28, 2017
Wararka aan ka heleeno gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay in dagaal u dhxeeyo beelaha ...
DAAWO DACAAYADDA KOOXDA QIYAANO QARAN BARBAARIYE TV
- Dec 26, 2017
Daawo dacaayadda Farmaajo soo abaabulay BARBAARIYE TV