+

DAAWO: Sababta Siilaanyo u mucaaraday Shirka IGAD oo uu cadeeyay & ujeedada uu lahaa

Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa waxaa uu sharaxaad dheeri ah ka bixiyay ujeedada uu u cambaareeyay qodob ka mid ah 22-kii qodob, ee laga soo saaray Shirkii Madaxda Urur Goboleedka Igad ku yeesheen Magaalada Muqdisho, Talaadadii.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta War Saxaafadeed ku cambaareeyay qodobkaasi, oo qeexaayay in shirkaasi xushmad loogu muujiyay qaranimada madax bannaanida Somaliya iyo jiritaankeedaba.

RIIX HALKAAN OO DAAWO MUUQAALKA

Madaxweynaha oo ka hadlaayay shir uu Madaxtooyada Hargeysa kula yeeshay guddi uu horey ugu magacaabay in ay aqoonsi u raadiyan Somaliland, ayaa marka hore soo dhaweeyay in Magaalada Muqdisho marti-geliso shir ceynkani oo kala ah.

“Waxaa caasimadda dalka Somaliya lagu qabtay shir sanadeedkii Urur Goboleedka Igad. Ugu horayn waanu soo dhaweynaynaa in shirkaasi ka dhaco Magaalada Muqdisho. Waxaanu u aragnaa tallaabo geesinimo leh oo horey loo qaaday. Dowladda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa dadaalka ay ugu jirto Beesha Caalamka iyo Dalalka Midowga Afrika, sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somaliya, isla-markaana loogu dhisi lahaa dowlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda saaran. Waxaanu diyaar u nahay inaan ka qayb qaadano, isla-markaana gacan wayn ka gaysano dadaalada, nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka aan walaalaha nahay ee Somaliyeed. Waxaanu nahay dal iyo dad bisil oo aaminsan in dhibaatada gaarta, ay anagana saamayn wayn nagu leedahay. Sidaa darteed waxaanu jecelnahay nabadooda iyo horumarkooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Waxaanu cambaareynaynaa War Murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda Igad ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qodobka ka hadlaya midnimada Somaliya. Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay oo aan ka turjumaynin xaqiiqda dhabta ah ee xaaladda Somaliya iyo Somaliland ka jirta.”

Waxa uu intaa ku daray “Waxaanu u cadeynaynaa Beesha Caalamka inaanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland, shakhsiyaad Muqdisho laga cuktay, waxaan u aragnaa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cumaamado dad aan shacbiwaynaha Somaliland dooran ama aanay ceeleeliyo u diran.”


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Daawo sababta xilka looga qaaday wasiirkii arimaha gudaha mr Juxa & Raisal wasaare Khayre oo noqday shaqsi fulinaayo danaha Dowlada Kenya wuxuuna garab ku siinaya Boobka Dhul badeedka somaalia ee leedahy oo hadda hor taal Maxkamada Caalamiga ah ee heeg
- Jan 9, 2018
Daawo sababta xilka looga qaaday wasiirkii arimaha gudaha mr Juxa & Raisal wasaare Khayre ...
DAAWO:XASUUQ LOO GEESTAY SOMAALIDII KU DHAX NOOLED GUDAHA OROMADA
- Jan 5, 2018
DAAWO:XASUUQ LOO GEESTAY SOMAALIDII KU DHAX NOOLED GUDAHA OROMADA https://youtu.be/--VTCoaDtTU
Daawo Cabdiraxman Cabdi.Shakuur oo ku dhawaaqay inuusan Maxkamada tagi doonon Barri
- Jan 2, 2018
Daawo Cabdiraxman Cabdi.Shakuur oo ku dhawaaqay inuusan Maxkamada tagi doonon Barri kuna sababayeeyay ineesan ...
Xisbiga C.raxman c.shakur oo Dacwad ka furtay maxkamada Gobolka Banadir
- Dec 31, 2017
Xisbiga C.raxman c.shakur oo Dacwad ka furtay maxkamada Gobolka Banadir https://youtu.be/WBNwZHr1eQQ
Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho
- Dec 31, 2017
Qarax culus oo inta badan laga wada maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ...
Qeybdiid ‘’Dowladu ha cadeyso weerarkeyga dalka ma Imaaraadka ayaa maamusha ama iyada
- Dec 31, 2017
ciidamo Soomaali ka amar qaata  dowlada Imaaraatka Carabta ay weerar ku qaaden Hooyga uu ...
Yaa ka shaqeeyey Shirqoolka lagu Weeraray Guriga Cabdi Qaybdiid?
- Dec 30, 2017
Yaa ka shaqeeyey Shirqoolka lagu Weeraray Guriga Cabdi Qaybdiid? Xogtan waxaa la siiyey Guddigii Baaritaanka ...
Guddiga difaaca baarlamaanka ka shiraya darbiga dowlada Kenya ka dhiseyo Beledxaawo
- Dec 30, 2017
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulan uu maanta ka yeesho darbiga ...
Kenya oo sheegtay in duqeyn Maraykanka uu ka geystey Soomaaliya ay ku dhaawacmeen Alshabaab Kenyan ah
- Dec 30, 2017
Dowlada Kenya ayaa sheegtay duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen gudaha dalka Soomaalya ay ...
Madaafiic lagu weeraray saldhig ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Xudur
- Dec 29, 2017
Wararka ka imanaya degmada Xudur ee  xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab ...
Daawo: video xaqiiq ah yaa ku guulestay soo celinta Hawada Farmaajo mise Xasan Shiikh
- Dec 28, 2017
https://youtu.be/sg5oqmCMMZo
Daawo:video kashifaad ah yaa keenay qalabka lagu ilaalinayo Hawada Somaalia yaase dhagax dhigay goobta maanta xariga laga jaray
- Dec 28, 2017
Daawo kumuu ahaa qofkii ku guulestay soo celintii Hawada Somaalia Farmaajo mise Xasan shiikh https://youtu.be/sg5oqmCMMZo
Daawo :Xaqiiqda runta ah yaa soo celiyay hawada somaalia yuusa ahaa qofkii dhagax dhigay xarunta loogu tala galay in lagu ilaaliyo hawada Somaalia
- Dec 28, 2017
https://youtu.be/sg5oqmCMMZo
War dag dag ah dagaal hadda ka socdo deegano hoos tago
- Dec 28, 2017
Wararka aan ka heleeno gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay in dagaal u dhxeeyo beelaha ...
DAAWO DACAAYADDA KOOXDA QIYAANO QARAN BARBAARIYE TV
- Dec 26, 2017
Daawo dacaayadda Farmaajo soo abaabulay BARBAARIYE TV