+

Wasiirkii Warfaafinta Kooxda Daacish oo duqeyn lagu dilay & Mareykanka oo ka hadlay

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay inay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Wasiirkii Warfaafinta Ururka Daacish, Duqeyntaasi oo ka dhacday meel ku dhaw Magaalada Raqqa ee dalka Syria.

War ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon ayaa lagu sheegay Duqeynta in lagu beegsaday Wa’il Caadil Xasan Salman Al-Fayad oo Daacish u ahaa Sarkaal muhiim ah, marka loo eego howlaha uu qaban jiray.

Wa’il Caadil Xasan Salman Al-Fayad, ayaa la sheegay inuu qaabilsanaa isku duba ridka iyo soo saarista Filimaanta muujinaya sida tacadiga ah ee Kooxda Daacish dadka ay u dilaan, waxaana qiimo ahaan u joogay Daacish, Wasiir Warfaafin.

Mareykanka ayaa horay u sheegtay inuu Duqeyn ku dilay ninkii ugu sareeyay Daacish dhanka faafinta Barobagaandada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Abu Maxamed Al-Cadnaani.

Weerarada qorsheysan ee lagu beegsanaayo Saraakiisha Daacish ayaa ku sii kordhaya dalka Syria, xilli Kooxda ay la kulmayso culeesaad dagaal oo kaga imaanaya Diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadayaan Duqeymaha culus ee ay la beegsanayaan Saraakiisha Ururka Daacish, si loo naafeeyo Ururkaasi.

Inta badan Duqeymaha lagu dilo Xubnaha Sare ee Daacish iyo Al-Qaacida ayaa loo adeegsadaa fulintooda Diyaaradaha aan Duuliyaha wadin ee loo yaqaan Drones-ka.

 


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Al Shabaab Oo Weeraray Fariisin AMISOM Ay Ku Leeyihiin Duleedka Muqdisho
- Apr 24, 2018
Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in Xalay weerar ay ...
Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaab
- Apr 23, 2018
Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaa Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General ...
Markab ay saaran yihiin qalabkii Milatariga Imaaraadka oo ka shiraacday dekeda Muqdisho
- Apr 23, 2018
Markab laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ...
Daawo: Mukhtaar Roobow.Shalay iyo Maanta.
- Apr 23, 2018

Dhalin yaro lagu afduubtay xeebaha Moqdisho
- Apr 22, 2018

Daawo Kaluumeesato lagu la. yahay xeebaha Moqdisho qaar kalena lagu laayay
- Apr 22, 2018
Dowlada Somalia oo aan ka hadleen dhibatada lagu haayo dadka ka kaluumesta xeebaha Moqdisho https://youtu.be/ccjMdp-82JA
Daawo Saudi Arabia oo Kaniisad weyn laga dhisaa ?
- Apr 22, 2018
Dowlada Saudi Arabia oo heshiis lagu hirgalinayo kaniisado laga dhisay dalkeeda la gashay Madax ...
Dag dag Daawo Saudi carabia oo dagal toosa ka bilowday caawa Qasrigii boqorka oo hareeresan
- Apr 21, 2018
https://youtu.be/_ZfebgzAED0
Muwaadin Soomaaliyeed Oo Horey Loogala Laabtay Dhalshadda Dalka Norway Oo Laga Soo Masaafurinayo Iceland
- Apr 19, 2018
Mahad Abiib Maxamuud oo dalka Norway tegay isagoo 14-jir ah sannadkii 2000 ayaa la ...
Dag dag ciidan lagu Laayay duleedka Muqdisho.
- Apr 19, 2018
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho koox hubeysan ayaa ...
Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay
- Apr 19, 2018
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan oo ...

- Apr 19, 2018
Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights Watch waxay soo saartay War Dheer ...
Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un oo kulmaya
- Apr 19, 2018
    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in wada hadal toos ah ...
Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku xirtay Dekeda Muqdisho
- Apr 18, 2018
Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku xirtay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, ...
C/wali Gaas “Lacagtii lagu qabtay Muqdisho, 3.6 milyan waxaa loogu tala galay Ciidamada Puntland”
- Apr 17, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii 8-dii bishan lagu qabtay ...