DHAGEYSO:- Al-shabaab oo GAADIIDKII Ceel-Cadde ka Qafaasheen ku weeraray SALDHIG weyn & Khasaaro ka dhashay
Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ah Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaliya ee Gobolka Gedo oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay u adeegsadeen dagaalkii ka dhacay Degmada Ceel-waaq Gaadiid ay Ciidamada Kenya kaga qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde.
“Baabuur ay ku qoran tahay amisom Beebabayaashi wixii dhan ay ka qabsadeen Ciidamada Kenya ayay xerada ku soo weerareen Al-Shabaab, mana aanan fileyn arintaas, waxay isu ekeysiiyeen Ciidamada amisom”ayuu yiri Col. Warfaa Sheekh Aadan Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaliya
RIIX HALKAAN OO DHAGEYSO WAREYSIGA
Waxaa uu sheegay inay ka yimaadeen Al-shabaab wadada aada dhinaca deegaanka Buusaar oo ah halka inta badan Ciidamada Kenya ay ka gudbaan gaadiidka raashinka u sida, isla markaana ay iyaga u qaateen inay yihiin baabuurtii raashinka u galbinayay Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Buusaar.
Dhanka kale Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ah Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaliya ee Gobolka Gedo ayaa Madaxda dowladda Soomaliya gaar ahaan wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ku eedeeyay in ay dayaceen Ciidmaada Malatariga Soomaliya ee ku sugan Degmada Ceel-waaq islamarkaana ay xili walba la kulmaan dhibaatooyin.