DAAWO VEDIO:- Garoonka iyo dekada Muqdisho oo Turkida Laga wareejinaayo iyo dal carbeed oo qorshe kafulineyso Soomaaliya..
Wasiirka maaliyada soomaaliya ayaa shaaciyay in dib u eegis lagu sameynaayo heshiisyo farabadan oo lasiiyay shirkado shisheeyay oo kamidyihiin kuwa turkida ah waxaana oo si toos ah u abaaray shirkadaha maamulka garoonka iyob dekada muqdisho.
HALKAAN KADAAWO
Wasiirka ayaa sii raaciyay in dowlada soomaaliya dib u eegis isaga sameyn doonto heshiisyadaas waxaana oo sheegay in soo baxayn qaladaado farabadan oo ku aadan dhanka heshiisyadaas.
Xog badweyn.com heshay ayaa sheegaya in dowlada soomaaliya isaga bixi rabto heshiisyo farabadan oo turkiga lagashay dowlada soomaaliya waxaana wararka sheegayan in arintaasi gadaal ka riixeyso dowlada imaraadka oo siyaasad ahaan kasoo horjeyda dowlada turkiga.
Xogta ayaa raacineyso safaarada Imaraadka ee kuleedahay muqdisho dadaalo xoogan u galeyso sidii u fashilin lahayd heshiisyada iyo goobaha muhiimka ah ay maamusho shirkadaha turkida waxaana la ogeyn sida madaxda soomaalida kayeeli donaan wallow madaxweynaha soomaaliya waayadii danbe u janjeeray dhanka Imaraadka.