+

Musharaxiinta Qooto Qootoda ah iyo kuwa Xaqiiiqda ah {Qormo Taxane Ah}

Lix toddobaad ka yar ayaa ka harsan xiliga doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, oo la filayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Ku dhawaad 20 Musharax iyo ka badan ayaa la maleyn karaa inay u taagnaan karaan iney ka qeybgalaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka. Murashaxiinta waxay u badan yihiin rag, dumarkase waa mid ama laba.

Murashaxiinta, intooda badan waa kuwo qurba joog ah, qaarkoodna , war uma haayaan marxaladaha adag ee Soomaaliya la il darran tahay. Halka qaar kalena ay jiraan iyagoo meelna uga bixin dalka, Kuwaan waxay u soo joogeen, haddana goob joog u yihiin duruufaha xag walba leh ee dalku ilaa hadda ku jiro. Laakin waxaa dhici karta inay ku jiraan murashaxiintaan qaar hoggaaminta ku adkaan doono, haddii midkood guuleysto. Shuruudaha tartanka aasaas u noqon doona ayaa la filayaa qaarkood ama intooda badan in ay ku haraan ama sheegtaan tanaasul, ka hor doorashada inta aan la qaban.

Sida caadadu tahay, murashaxiinta qaar ayaa damacoodu kaliya yahiin xil iyo xoolo, halka qaarka kalena loo maleyn karo inay wataan qoorshe siyaasadeed qaran, inkastoo istaraatiijyada doorashadu tahay midda Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka in ay ku yimaadaan doorasho cod aqlabiyad ah oo ka yimid laba gole qabiil ee u taagan Baarlamaan hoose iyo mid sarre.

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira tirakoob dadweyne iyo diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Qaab guracan oo aan xalaal ahayn ayay ku imaan doonaan murashaxiinta Goloyaasha qabiil, waxa lagu magacaabay , “Aqalka Sare iyo Aqalka hoose”, oo iyagana soo dooran doonaan Afhayeenadooda iyo Madaxweynaha intaba.

Soomaaliya halka looga shido debka qaran-dumisnimada waa qurbaha ay ku dhaqan yihiin qaxootiga ceyr ku noolka ah. Ma jiro Soomaali isku duuban, kuna mideysan hal jaalliyad, sida ummadaha kale ee qaxootiga ah. Waxaa loo kala qaybsan yahay Jaalliyado qabiil iyo fadhi ku -ku-diriryo gaar gaar ah, qolo walbana murashaxooda halkaas ayuu ka soo jeedaa. Waxqabadkoodana wuxuu ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah iyo inay shirar u qabtaan dadka Jaaliyadaha kuna kala qaybsan qabiil-qabiilka ah. Waxay kuwaasi yihiin kuwo haba-yaraatee aan dalka gudahiisa laga aqoon, oo hadda bilaabay iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan. Qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Markaan mid mid u gorfeyno murashaxiinta orodka ugu Jira ololaha doorashada laakiin aan la ogeyn halka ay gaari doonaan, waxaa ka mid ah:

Xasan Sheekh Maxamuud: Madaxweynaha xili xafiiseedka ka sii dhamaanayo, wuxuu halgan adag kadib ku guuleystay doorashadii Sep-2012-kii, wuxuu ahaa nin howlaha samafalka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada rayidka magac weyn ku lahaa. Lixdii qodob ee tiirka u ahaayeen qoorshe siyaasadeedkiisa ayuu ku galay ololihii doorashada. wuxuuna ka faa’iideystay khilaafkii siyaasadeed ee Madaxweyninimada. Lixdii qodob ee ololaha uu kusoo galayna waxay noqdeen kuwo afka baarkiisa ku koobnaa.

Xasan Sheekh, waxaa lagu yaqiin dhinaca kor u qaadista waxbarashada, isagoo udub dhexaad u ahaa bahda waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan machadka SIMAD oo arday fara badan ay ka soo qalin jabiyeen.

Madaxweyne Xasan wuxuu markii danbe damaciisa u gudbay isaga iyo saaxiibadiisa dhinaca waxbarashada inay siyaasadda ku biiraan, iyagoo ungay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP), kaasoo markii danbe guuleystay. Haddana waxay rajo wanaagsan ka qabaan in mar kale guul gaaraan. Hassan Sh. Maxamuud wuxuu 2012-16 soo hoggaamiyay dowlad aan KMG ahayn, dunidana ka kasbatay aqoonsan caalami ah. Wuxuu dagaal adag la galay arxgaxisada Al-Shabaab oo u ka xureeyay degaamo badan oo ay magaalo madaxda ka mid tahay.

Waxaa si weyn u shidantay Siyaasaddii Dibadda, gaar ahaann xiligii Marwo Fawzia Yusuf ay ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda, Somalia saaxadda caalamiga ayay dib ugu soo noqotay, Maanta waxaa dalkeena Safaarado ku leh 50 dowladood oo ay ka mid yihihiin dalalka waaweyn, hadlka dhanka kalena Somalilia ku leeydahay safaarado dalalka qaaradaha kala duwan ee adduunka.

Horumar dhaqaale ee ka wanaagsan xiliyadii KMG, horumarin bulsho iyo dib udhis ayaa dalka ka hirgalay. Waxaa soo dhammeystirmay maamul goboleeyadii nidaaamkii Federaalka, waloo aan lagu guuleysan jiritaankii Asxaabta, tirakoobkii dadka iyo xoolaha, doorasho ku saleysan qof iyo cad iyo inaan weli dhammeystirmin dhismaha ciidamada qalabka sida iyo in Somalia laga qaado cunuqabateyntii hubka ee QM saartay sannadkii 1992.

LA SOCO QROMADA XIGTA INSHA ALLAH

 


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Puntland iyo Somaliland Oo Maxaabiis dagaal is dhaafsaday & Ceebta dhacday.
- Jul 19, 2018

Daawo Oromadii oo Ku dhaaraneysa In ay Soomalida Ka sifeyneyso Ethiopia Somali Galbeed.
- Jul 15, 2018

Daawo Mamulka Jubaland oo raacdeeyay Taliyaha guutada 43 oo soo Magacabay Madaxweyne Farmaajo
- Jul 13, 2018
https://youtu.be/tHwBLqFXl9Y
Wasiirkii hore ee Amniga oo sheegay in Ciidamada Xasilinta aanay sharciyad ku dhisneyn
- Jul 11, 2018
Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumaddii hore ee Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay ...
Daawo Ciidamo ka amar qaato Madaxweyne Farmaajo oo dhul boob ka bilaabay degmada Kaaran kuna Amraya Dadka Shacabka ah in Sabar loogoyinkoda kusoo warejiyaan
- Jul 10, 2018
https://youtu.be/8ZwVKaBT6UA
Daawo qoomiyada Oromada oo mar kale xasuuq u geesatay dad Somali ah
- Jul 10, 2018
https://youtu.be/HNe1c9lBe9c
Midowga Yurub oo kalsoonidii kala laabtay Dowlada Fedraalka Somalia sababtu mexee tahay aqriso
- Jul 10, 2018
Dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya oo ee hogaaminayo Madaxwyene Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu ...
WarbixinFaarax Macalinoow Nin Ku dilay Har kuuma Jiido.
- Jul 6, 2018
Faarax Macalinoow Nin Ku dilay Har kuuma Jiido. Sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ayaa wada tallaabo ...
Ethiopia iyo Qatar & Emirate oo ku Tartamaya Dekadaha Soomaaliya Sida ay Ula-
- Jul 3, 2018

Qalbi dhagax oo sheegay in Maamulka Farmaajo ka dambeeyeen dhiibistii, Abiy Axmedna soo daayey
- Jul 2, 2018

Daawo. Munasabadda 1-da Luulyo ee Muqdisho 2018
- Jul 1, 2018

Daawo Qalbi dhagax iyo Somalida Addis Ababa Sidii Madaxweyne loo soo dhaweeyay
- Jul 1, 2018

Dhagayso:C.kariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo diiday inuu ku Safro pasporka Ethiopia ugu dambeen muxuu ku safray
- Jun 29, 2018
https://youtu.be/0YDn0gEkd4A
DEG DEG. Raisal Wasaaraha Ethiopia Oo ka Badbaaday Qarax iyo Is kuday Dil Addis ababa.
- Jun 23, 2018

Daawo arxan darada dadka Oromada ah koox Oroma ah oo si arxan daro ah u dilayo wiil Somali ah
- Jun 22, 2018
https://youtu.be/roFBOpr6gcI