+

Maraykanka oo joojiyay gargaar uu siinayay ciidamada Milatariga Soomaaliya



Dowlada Maraykanka ayaa joojisay gargaar cunto iyo shidaal isugu jirey oo ay u fidin jirtey ciidamada Milatariga sababo la xiriira musuqmaasuq,waxaana uu go’aankan yahay mid dharbaaxo ku ah Milatariga Soomaaliya xilli ciidamada AMISOM ay bilaabeen ka bixitaanka dalka Soomaaliya.

Maraykanka oo sidoo kale taakuleysa  Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo gaaraya 22,000 oo askari ayaa aad uga carooday maamulada isku bedbedelay dalka  Soomaaliya in ay ku guuldareysteen inay dhisaan ciidamo qaran.

Joojinta gargaarka ay dowlada Maraykanka siiso ciidamada Soomaliya ayaa timid kadib markii la waayay meel ay jaan cirib dhigeen cunto iyo shidaal loogu deeqay ciidamada Soomaaliya sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters oo arkay qoraalo Maraykanka iyo dowlada Soomaaliya ay isweydaarsadeen.

Sarkaal u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegay in wadahadalo ay dhowaan yeesheen dowlada Maraykanka iyo dowlada federalka Soomaaliya ay isla garteen in ciidamada Milatariga Soomaaliyeed uu ku guuldareystay isla xisaabtan dhab ah ee gargaarka uu Maraykanku bixiyo.

“Waxaan ku soo koobeynaa gargaarka Maraykanka uu siiyo ciidamada dowlada Soomaaliya unugyo gaar ah kuwaasoo ciidamada Maraykanka Soomaaliya ku sugan ay ka warqabaan xaaladooda.”ayuu intaa sii raaciyay  sarkaalka u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Sarkaalka u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gargaarka ciidamo kooban oo ah ciidmada gaarka ah ee dowlada Soomaaliya waxayna ku dadaali doontaa dowlada Maraykanka inay la isku raaco qorshe dib loogu soo celin karo taageerida ciidamada Soomaaliya.

“Waa arrin run ah in laga wada hadlay  sida loo taageerada loo isticmaalo iyo qaabka loo qeybiyaba. Dowlada Federalka arrintan waa ay ku howlan tahay sidii xal loogaga gaari lahaa.”ayuu u sheegay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Musal wakaalada wararka Reuters.

Dukumintiyo ay saraakiisha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya u direen dowlada Soomaaliya ayaa lagu arkay in mas’uuliyiinta Maraykanka ay aad uga xun yihiin in ciidamada Milatariga Soomaliya ay awoodi waayee inay meel ku sheegaan halka gargaarka cuntada ah la geeyay.

Sidoo kale dukumintiyada ayaa waxa muuqaal madow ay ka bixiyeen Milatariga Soomaaliya oo hareeyay musuqmaasuq maadaama ay awoodi waayeen inay quudiyaan ciidamada ama mushaar siiyaan iyadoo boqolaal malyan oo dollar lagu taageero.

Intii u dhexeysay May iyo June koox Maraykan iyo Somali isugu jira ayaa booqday lix saldhig ciidamo si ay u qiimeeyaan cuntada ay dowlada Maraykanka ugu deeqo ciidamo gaaraya shan kun oo askari inay gaarto iyo inkale.

“Ma aanan arag oo lagama helin tiradii badneyd ee cuntada ahayd ee loogu talogalay saldhig walba marka laga reebo labo xero oo kaliya.”ayay kooxda Maraykanka ee qiimeynta waday ay u qortay dowlada Soomaaliya.

Hal saldhig inkayar boqolkiiba shan ciidamada u diiwaangashan dowlada Soomaaliya ayaa joogtay,saldhigga ugu wanaagsanaa oo ahayd inay ku sugnaadaan 550 askari  waxaa ku sugnaa 160 askari oo kaliya kuwaasoo lixdan kamid ah ay haysteen hub.

Guddiga Maraykanka ee qiimeynta ku sameeyay ciidamada ayaa dhaliilay dareeska ciidamada ay haysteen waxayna ku sheegeen ciidamadii loo geeyay inay xirnaayeen darees cusub kuwaasoo u muuqday in ay ahaayeen bandhig oo kaliya.


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Al Shabaab Oo Weeraray Fariisin AMISOM Ay Ku Leeyihiin Duleedka Muqdisho
- Apr 24, 2018
Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in Xalay weerar ay ...
Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaab
- Apr 23, 2018
Uganda Oo Sheegtay Inaysan Ciiddankooda Iska Difaaci Karin Al-Shabaa Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, General ...
Markab ay saaran yihiin qalabkii Milatariga Imaaraadka oo ka shiraacday dekeda Muqdisho
- Apr 23, 2018
Markab laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ...
Daawo: Mukhtaar Roobow.Shalay iyo Maanta.
- Apr 23, 2018

Dhalin yaro lagu afduubtay xeebaha Moqdisho
- Apr 22, 2018

Daawo Kaluumeesato lagu la. yahay xeebaha Moqdisho qaar kalena lagu laayay
- Apr 22, 2018
Dowlada Somalia oo aan ka hadleen dhibatada lagu haayo dadka ka kaluumesta xeebaha Moqdisho https://youtu.be/ccjMdp-82JA
Daawo Saudi Arabia oo Kaniisad weyn laga dhisaa ?
- Apr 22, 2018
Dowlada Saudi Arabia oo heshiis lagu hirgalinayo kaniisado laga dhisay dalkeeda la gashay Madax ...
Dag dag Daawo Saudi carabia oo dagal toosa ka bilowday caawa Qasrigii boqorka oo hareeresan
- Apr 21, 2018
https://youtu.be/_ZfebgzAED0
Muwaadin Soomaaliyeed Oo Horey Loogala Laabtay Dhalshadda Dalka Norway Oo Laga Soo Masaafurinayo Iceland
- Apr 19, 2018
Mahad Abiib Maxamuud oo dalka Norway tegay isagoo 14-jir ah sannadkii 2000 ayaa la ...
Dag dag ciidan lagu Laayay duleedka Muqdisho.
- Apr 19, 2018
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho koox hubeysan ayaa ...
Madaxweynaha Turkiga oo ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay
- Apr 19, 2018
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan oo ...

- Apr 19, 2018
Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights Watch waxay soo saartay War Dheer ...
Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un oo kulmaya
- Apr 19, 2018
    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in wada hadal toos ah ...
Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku xirtay Dekeda Muqdisho
- Apr 18, 2018
Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku xirtay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, ...
C/wali Gaas “Lacagtii lagu qabtay Muqdisho, 3.6 milyan waxaa loogu tala galay Ciidamada Puntland”
- Apr 17, 2018
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii 8-dii bishan lagu qabtay ...