+

Al Shabaab Oo Weeraray Fariisin AMISOM Ay Ku Leeyihiin Duleedka Muqdisho

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in Xalay weerar ay ku qaadeen fariisin milatari oo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho.

 

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in Al Shabaab ay ku ekeyeen Xeradaasi oo ku taalla deegaanka Arbacow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Waxaana la sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen Madaafiic culus, taas oo waxyeelo ay ka dhalatay, inkastoo aan si dhab loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

 

Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro isugu jira qaraxyo kuwa toos ah ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolkaasi.


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)