+

War Deg Deg:-Haweeney Ajnabi Ah Oo Goordhow Lagu Afduubtay Muqdisho

Warar soo gaaray barbaariye.com ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow Muqdisho qeybo ka mid ah laga afduubtay Gabar Cadaan ah oo u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC.

Rag hubeysan oo aan la garaneyn ayaa Gabadhaas Cadaanka ah waxa ay ka afduubteen Guri ay degan yihiin Shaqaalaha Hay’adda ICRC oo ku dhow Hotelka Shaamow ee laami yaraha degmada Wadajir.

Afduubka Gabadhaas ayaa waxaa xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cabdi Fitaax waxa uuna sheegay Gabadha lagala baxay Gurigii ay deganeyd,isla markaana Gari lagu qaatay.

Weli lama helin dalka ay u dhalatay

Gabadhaas Ajnabiga ah ee u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC ,waxaanaSarkaalka uu sheegay in iminka ay baaritaano ku adan cidda gabadhaas afduubatay


Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)