+

Midowga Yurub oo kalsoonidii kala laabtay Dowlada Fedraalka Somalia sababtu mexee tahay aqriso

Dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya oo ee hogaaminayo Madaxwyene Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu eedeeyay arimo kala duwan oo Midowga Yurub uu sheegay iney ku tumatay iskabadaa in lagu xadgudbee.

Arimo dhowr ah ayaa lagu heystaa Dowladda Soomaaliya hadii ay wax ka qaban weysanaya waxaa suuragal ah in cunaqabateyn la saaro .

Waxyaabaha Dowladda Soomaaliya lagu heysto waxaa kamid ah inay ku tumato Xuquuqda Aadanaha, waxay kaloo xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre lagu eedeeyay inay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanada ay maamusho.

Qodobada ugu waa weyn ee Midowga Yurub  Dowladda Soomaaliya ku heysto waxaa kamid ah.

 Al Shabaab oo wali maamulaya qeybo kamid ah Soomaaliya xili in kabadan 22,000 oo ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwo Dowladda Fedralka Soomaaliya ka howlgalayaan dalka.

· 2.6 Million oo qof oo dalka ku barakacsan kadib abaarihii sanadadihii ugu dambeeyay ku dhuftay Soomaaliya oo aan heysan waxyaabaha aas-aaska u ah Nolosha, xili hay’ado caalami ah ay dowladda dhaqaale badan ku siiyaan arimaha Bini’adanimada.

 Maleeshiya beeleedyada hubeysan iyo Al Shabaab oo si arxan-darro  ah dilal uga geysanaya meelaha dowladda gacanta ku heyso waxaana sidoo kale ay geystaan kufsi,  dilal aan baaritaan ku sameyn dowladda iyo ciqaab ay u geysanayaan cidda walbo oo ay is qabtaan iyagoo sidoo kale askareeya caruurta da’da yar.

· Howlgallada Military ee ciidamada Dowladda oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda oo xabsiga dhiga sabab la’aan dad aan waxba galabsan waxaana loo geysto jirdil iyo handadaad.

· Al shabaab oo gudaha Soomaaliya ku diyaariya qaraxyada iyo weerarada ay ku qaadaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida dalka Kenya, iyadoo ay jirto in 14-kii October ay shabaabku ku dileen Muqdisho oo ah Magaalo madaxda Soomaaliya in kabadan 500 qof.

· Ciidamada AMISOM oo ku xad gudbaya  xuquuqda bini’aadanimada dadka Soomaaliyeed, waxna kama qabato Dowladda dalka hogaamisa sidoo kale waxeey dilaan dad shacab ah iyagoo kufsi badan ku haya dumarka ku nool goobaha magaalada kabaxsan oo ay ka howlgalaan.

· Cadaalad darro ka jirta maxkamadaha Soomaaliya,  waxaana maqan xuquuda aas aasiga ah ee uu isku difaaci karo qofka shacabka ah, iyadoo Maxkamadaha Militry-ga la soo taago dad shacab ah.

Ciidamada nabad sugidda iyo qaranka Soomaaliyeed (NISA) oo heysta awood balaaran oo ay ku sameeyaan baaritaanada iyo howlgaladda la amro iyadoo aysan jirin sharci haga taa oo sababi karta rabshado, kana dhasha ku xad-gudbka  dadka ay Ciidamada NISA qabtaan.

Xakeemyo xuriyatul qolka, iyadoo loo hanjabayo weriyayaasha, waxaana xabsiga la dhigaa hubsiino la’aan, qaarkood waxaa lagu khaarijiyaa si qorsheysan, si lamid ah maamul goboleedyada dalka ayaa xira xarumaha warbaahineed ee maamulkooda hoos yimaada hadii ay ka hadlaan arimo jira.

· Soomaaliya oo aan u diyaarsaneyn iney martigeliso qaxootigeeda soo laabanaya oo  albaabada ka soo xiratay dowladda Kenya kuwoo oo ku noolaa xeryaha qaxootiga sida Dadaab Iyo Ifo.

Colaada dagaal ee ka  taagan Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo dowladda Federalka  aysan qaadin wax talaab ah oo lagu joojinayo.

· Dad aan aqoon durugsan u laheyn oo ka howlgala xarunta dambi baaritsa CID-da oo laga rabay iney dabagal iyo baaritaan ku sameeyaan Kiiska kala duwan ee dhaca sida dilalka, qaraxyada iyo dhaawacyada ee ciidanka dowladda geystaan ama shacabka ay la kulmaan, waxaa meeshaas ka maqan qabiir yahao aqoon u leh howlaha dambi baartista.

Midowga Yurub oo Soomaaliya meel u saaray 286 million  (€) Euro    ka soo bilaabato sanadii (2014-2020) si wax looga qabto dib u dhiska Soomaaliya, nabadeynta dalka, helida cunada, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka u ah dowladnimada, ayaa u muuqda kuwo shaqsiyaad u gacan galay kadib boorsoyinka ku shubta, sidoo kale EU-da waxeey soomaaliya u qoondeysay 120 Million oo Euro oo u gaar ah arimaha bini’aadanimada iyo 1000,000 oo Euro oo si deg deg ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya markii dad badan oo shacab ah ku dhamaadeen weerarkii 14-kii October ee ka dhacay Muqdisho, sidoo kale Midowga Yurub waxa uu sheegay iney  taageeraan Howlgalka AMISOM.
Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Baarlamaanka Midowga Yurub oo madaxda hay’ado caalami ah  kaa shanaya,  waxaana ay dalbadeen in si deg deg ah wax looga qabto arimaha ay soo gudbiyeen, waxaana suuragal ah in go’aan lama filaan ah laga qaato Soomaaliya oo ka imanaya Midowga Yurub, sida in la joojiyo dhaqaalaha faraha badan ee Miwdoga yurub oo kalsoonida lagala noqdo iyo in cunaqabaten la saaro Soomaaliya.
Wali dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka  kama aysan jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, oo ah midii ugu cuslayd oo Ururka Midowga Yurub uga timaada.
W/D/ Ali Aadan Hashi

Shabakada Barbaariye Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Puntland iyo Somaliland Oo Maxaabiis dagaal is dhaafsaday & Ceebta dhacday.
- Jul 19, 2018

Daawo Oromadii oo Ku dhaaraneysa In ay Soomalida Ka sifeyneyso Ethiopia Somali Galbeed.
- Jul 15, 2018

Daawo Mamulka Jubaland oo raacdeeyay Taliyaha guutada 43 oo soo Magacabay Madaxweyne Farmaajo
- Jul 13, 2018
https://youtu.be/tHwBLqFXl9Y
Wasiirkii hore ee Amniga oo sheegay in Ciidamada Xasilinta aanay sharciyad ku dhisneyn
- Jul 11, 2018
Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumaddii hore ee Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay ...
Daawo Ciidamo ka amar qaato Madaxweyne Farmaajo oo dhul boob ka bilaabay degmada Kaaran kuna Amraya Dadka Shacabka ah in Sabar loogoyinkoda kusoo warejiyaan
- Jul 10, 2018
https://youtu.be/8ZwVKaBT6UA
Daawo qoomiyada Oromada oo mar kale xasuuq u geesatay dad Somali ah
- Jul 10, 2018
https://youtu.be/HNe1c9lBe9c
Midowga Yurub oo kalsoonidii kala laabtay Dowlada Fedraalka Somalia sababtu mexee tahay aqriso
- Jul 10, 2018
Dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya oo ee hogaaminayo Madaxwyene Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu ...
WarbixinFaarax Macalinoow Nin Ku dilay Har kuuma Jiido.
- Jul 6, 2018
Faarax Macalinoow Nin Ku dilay Har kuuma Jiido. Sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ayaa wada tallaabo ...
Ethiopia iyo Qatar & Emirate oo ku Tartamaya Dekadaha Soomaaliya Sida ay Ula-
- Jul 3, 2018

Qalbi dhagax oo sheegay in Maamulka Farmaajo ka dambeeyeen dhiibistii, Abiy Axmedna soo daayey
- Jul 2, 2018

Daawo. Munasabadda 1-da Luulyo ee Muqdisho 2018
- Jul 1, 2018

Daawo Qalbi dhagax iyo Somalida Addis Ababa Sidii Madaxweyne loo soo dhaweeyay
- Jul 1, 2018

Dhagayso:C.kariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo diiday inuu ku Safro pasporka Ethiopia ugu dambeen muxuu ku safray
- Jun 29, 2018
https://youtu.be/0YDn0gEkd4A
DEG DEG. Raisal Wasaaraha Ethiopia Oo ka Badbaaday Qarax iyo Is kuday Dil Addis ababa.
- Jun 23, 2018

Daawo arxan darada dadka Oromada ah koox Oroma ah oo si arxan daro ah u dilayo wiil Somali ah
- Jun 22, 2018
https://youtu.be/roFBOpr6gcI